Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Puntland oo kulamo Wadatashi ah ka bilaabay Garawe (Sawirro) 

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulan la qaatay Ururada Bulshada, Madaxda Ururada Siyaasadda, Aqoonyahanada iyo Waxgaradka Puntland.
Madaxweynaha ayaa Bulshada uga warbixiyey xaaladda guud ee Puntland, shaqooyinka dowliga ah ee laqabtay sida tayeynta Ciidamada, horumarinta hanaanka maaliyadda iyo hirgelinta Nidaamka Xisbiyada badan oo meel wanaagsan maraya .
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa la wadaagay aqoonyahanada, siyaasiyiinta iyo Ururada Bulshada, Shirkii maamulka ka qeybgashay ee Dhuusamareeb kaasi oo looga hadlay arrimaha Doorashada Soomaaliya iyo sida Puntland u wajahday.
 
Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale bulshada usoo gudbiyey shaqadii wanaagsaneyd ee laga soo qabtay Gobolka Mudug iyo safarkii uu ku tegay dalka Jabuuti.
 
Madaxweynaha ayaa dhegaystay fekradaha iyo talo soojeedinta xubnaha kulanka ka qeybgalay, dhammaantoodna waxay ka mahadceliyeen kulanka, iyagoo muujiyay sida ay Dowladda ugu garabtaaganyihiin marwalba arrimaha gudaha ee Puntland iyo doorka Puntland ee arrimaha Soomaaliya.
 
Madaxda Ururada Siyaasada Puntland oo kulanka ka hadlay, waxay Madaxweynaha uga mahadceliyeen ka dhabeynta nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland, oo caawa ay afkaartooda iyo talooyinkooda kusoo gudbinayaan iyaga oo metelaya Ururada Siyaasadeed ee Puntland .
 
Madaxweynaha Puntland , ayaa u mahadceliyay dhammaan xubnaha kulanka kasoo qeybgalay, si gaar ah wuxuu Madaxweynuhu bogaadiyey doorka Ururada Bulshada Rayidka ah ku leeyihiin Dowladdnimada, iyo sida ay marwalbo uga qeyb qaataan marxalad kasta oo markaasi la marayo Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Related posts

Faahfaahin: Masuul ka tirsan Maamulka Puntland oo lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

Caydiid Ali

Ninkii dhaawacay Salman Rushdie oo sheegay inuu ixtiraam u hayo Ayatollah Khomeini

Caydiid Ali

Duqeyn lala beegsaday goob ay ku sugnaayeen Saraakiil katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---