Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Hoy uu Muqdisho ka degan yahay Taliyaha ciidanka Haramcad oo la weeraray

Iska horimaad hubeysan ayaa caawa ku dhexmaray Magaalada Muqdisho labo ciidan oo ka wada tirsan kuwa dowlada Somalia, kaasoo wararku sheegayaan inuu khasaare nafeed sababay.

Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo kala duwan iska horimaadkan ayaa bilowday markii ciidamo ka tirsan dowlada ay weerareen hoy uu degan yahay taliyaha ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad oo ku yaalla degmada Waaberi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidanka weerarka geystay ay ka tirsan yihiin kuwa Asluubta, waxayna iska caabin kala kulmeen ciidan ilaalo u ahaa taliyaha Haramcad.

Lama  oga illaa hadda sababta ka dambeysa weerarkan, balse warar la helayo ayaa sheegaya in ciidamadii weerarka fuliyey oo lix askari gaarayey dhamaantood la qabtay, iyadoo midkoodna uu dhaawacan yahay, waxayna haatan ku xiran yihiin xarunta dembi baarista Booliaka ee CID.

Saraakiisha ciidamada amaanka ayaanan weli ka hadlin dhacdadan, mana jiraan faahfaahin intaas ka badan oo laga helay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DAAWO:-Casho sharaf loo sameynayo Madaxweyne Geelle & Wafdigiisa oo Muqdisho ka socota

Caydiid Ali

Golaha Aqalka Sare oo ansixiyey sharci khuseeya Ciidanka Xoogga dalka (Sawirro)

Caydiid Ali

Puntland oo ciidamo iyo gaadiid dagaal u dirtay degaan lagu arkay Al-Shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---