Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa galabta magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Galmudug Cabdullaahi Maxamuud Gacal.
Masuulkan ayaa la sheegay inuu 45-kii sano ee la soo dhaafay Garsoorka dalka ka mid ahaa.
Cabdullaahi Maxamuud Gacal ayaa isla galabta lagu dhaariyey xarunta Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb
“Galmudug waxaa u buuxsamay tiirkii 3-aad ee hey’adaha dawladnimada oo baahi weyn loo qabay” ayuu yiri Wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo Cabdullaahi Maxamuud Gacal ugu hambalyeeyey xilka loo magacaabay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com