Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Axmed Madoobe oo ku laabtay Kismaayo & xaaladiisa Caafimaad oo.. (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa maalmahii lasoo dhaafay Safar Caafimaad ku joogay Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya ka dib markii ay xanuuno la soo derseen, waxaana la sheegay in xaaladiisa caafimaad ay hadda wanaagsan tahay.

Labada Madaxweyne ku xigeen Iyo xubno katirsan labada gole ee Dowlada ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka Diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee Magaalada Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa waxaa saaran Culeys weyn oo siyaasadeed ka dib markii isaga iyo madaxweynaha Puntland ay diideen iney ka qeyb galaan shirkii Dhuusamareeb 3 oo laga soo saaray nooca doorasho ee ka dhaceysa dalka sanadka 2020/21.

Wakiilada beesha caalamka ee Somalia ayaa si weyn uga carooday talaabada labadan Hogaamiye ay ku diideen iney ka qeyb galaan Shirkii Dhuusamareeb, iyadoo danjiraha Maraykanka uuku tilmaamay iney yihiin qaswadayaal siyaasadeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax aad u weyn oo goordhaw ka dhacay magaalada Baladweyne iyo xaalado oo…

Cabdi Cade

Sirdoonka Sacuudiga oo qorsheynaya dilka rag saaxiibo la ahaa Jamal Khashoqji

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo shaacisay nooca iyo sida loo fuliyey qaraxii Xarunta Gobolka Banaadir

Caydiid Ali
Taboola Ads ---