Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo Goob fagaare ah ku toogtay afar nin oo Eedeeyeen (Akhriso Magacyada)

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa fagaare kuyaala Deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo ku toogtay afar nin oo ay ku eedeeyeen in ay la shaqeenayeen Sirdoonka dowlada Soomaaliya iyo kuwa Shisheeye.

Maxkamad Al Shabaab leeyihiin oo kutaala gobolka Gedo ayaa afartan nin ku xukuntay in la toogto kadib markii Qaadiga Maxkamada sheegeen in ragan lagu helay dambiyadii loo heestay ee ahaa in ay la shaqeenayeen Sirdoonka Soomaaliya iyo kuwa kale.

Fagaaraha xukunka dilka ka dhacayay waxaa ku sugnaa dadweyne badan, Saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab kuwaa oo usoo daawasho tagay sida loo tooganayay afartan nin ee Al Shabaab tooganayeen.

Akhriso Magacyada afarta nin ee la toogtay iyo Eedeymaha Al shabaab u jeediyeen

1- Diini C/Qaadir Max’med ayaa Al Shabaab ku eedeyeen in uu u shaqeenayay  sirdoonka Mareykanka
2- Ciise Cismaan Geelle ayaa isna lagu eedeeyay in uu la shaqeenayay Sirdoonka Itoobiya.
3- Aadan Xasan Max’med waxaa lagu eedeeyay in uu la shaqeenayay Sirdoonka DF.
4- Cabdi Caziiz Xasan Cabdi ayaa isna lagu eedeeyay in uu u shaqaynayay Sirdoonka DF
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kheyre oo ka hadlay naf-hurnimada Shaqaalaha caafimaad ee ku howlan Xakameynta Covid-19

Cabdi Cade

Dhalinyaro lagu eedeeyey iney kufsi geysteen oo la soo bandhigay (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Kulan Saddex geesood ah oo dhexmaraya Madaxda Itoobiya, Somalia iyo Eritrea

Caydiid Ali
Taboola Ads ---