Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxkamada Gobolka Bay oo xukuntay nin kufsaday gabar yar oo 9 sano jir ah

Maxkamada Gobolka Bay ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta xukun shan sano xarig ah ku riday nin lagu eedeeyay inuu kufsaday gabar yar oo 9 sano jir ah.

Maxamed Aadan Cali oo 20 sano jir ah ayey Maxkamadu sheegtay iney ku cadaatay kufsiga Ceyni Cabdullaahi Baadiyow oo 9 sano jir ah, kana tirsan qoys ku nool magaalada Baydhabo.

Ninkan ayaa la sheegay inuu qirtay dembiga lagu soo eedeeyey ee fara xumeynta ah.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii magaalada Baydhabo meel fagaare ah lagu toogtay labo nin oo kufsaday labo caruur ah oo yar yar, kuwaasoo ahaa wiilal midkood markii dambe u geeriyooday kufsigii loo geystay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasaarada Amniga Gudaha oo soo bandhigtay 14-Farsadood oo Shaqo ah

Cabdi Cade

Maxaa looga hadlayaa shirka Riyadh uga furmay DF & IMF?

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo taageertay Xariga Xubno uu ku jiro Amiir Xamza Bin Xuseen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---