Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faahaahin: Iska horimaad dhimasho & dhaawac geystay oo ka dhacay Muqdisho

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya iska horimaad khasaare nafeed geystay oo caawa ka dhacay agagaarka fagaaraha Tarabuunka oo ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Iska horimaadka ayaa dhexmaray ciidamo ka wada tirsan DF oo u qeybsanaa Boolis iyo Milateri sida ay ku waramayaan dad goob joogayaal.

Tacshiirada ay isweydaarsadeen ciidamada oo socotay muddo kooban ayaa khal khal gelisay socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga ka jira nawaaxiga Tarabuunka inkastoo markii dambe xaaladu caadi ku soo laabatay.

Ugu yaraan 3 askari oo ka tirsan labada dhinac ayaa ku dhintay iska horimaadkan halkan mid kalena uu ku dhaawacmay sida wararku sheegayaan, mana cadda illaa sababta dhalisay iska horimaadkan iyo cida bilowday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekada Labo nin oo Soomaali ah oo ku biiri rabay ISIS oo Mareykanka laga…

Cabdi Cade

NISA oo qabatay nin dil ka geysan rabay Suuqa Bakaaraha

Caydiid Ali

Madaxweyne Guudlaawe iyo Xasan Kheyre oo Muqdisho kulan ku yeeshay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---