Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Kismaayo: Askar ka tirsan ciidanka Jubbaland oo lagu xukumay dil iyo xabsi (Sawirro)

Maxkamadda Ciidamada QS ee Jubbaland ayaa Maanta  dil ku xukuntay Dable, Faarax Cabdirashiid Cilmi oo horay ugu eedaysnaa inuu dilay marxuum, Cabdi Muxumed oo ahaa Qof shacab ah.

Maxkamadda ayaa sido kale Saddex Sano oo xabsi ciidan ah ku ridday eedaysane, Maxamed Rashiid oo isna katirsana Ciidamada Daraawiishta Jubbaland, kaasoo lagu eedeeyey inuu dilkaas gacan ka geystay.

Garsooraha Maxkamadda Ciidamada Daraawiishta Jubbaland, Bashiiir Maxamuud Xareed ayaa sheegay in eedeysanayasha ka tirsanaa Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ee degaanka Cabdalla Biroole dambiga lagu soo eedeyay inay galeen, isla markaana Maxkamaddu ay ku xukuntay dil iyo  xabsi Ciidan.

Askartan oo baxsad ah ku jiray muddo afar bilood ah ayaa waxaa dhowaan soo qabtay ciidamada Jubbaland sida uu sheegay gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee Jubbaland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

MSF oo sheegtay inuu go’ay xiriirkii ay laheyd Isbitaalka Shifa ee Gaza oo la duqeeyey

Caydiid Ali

Daawo Sawirro: Sida quruxda badan ee loogu dabaaldegay Sanad guuradii 74aad ee Booliska

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaaraha Britain oo raali gelin buuxda ka bixiyey xad gudub lagu eedeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---