Allbanaadir.com
NEWS

Ganacsatada Jaadka Kenya oo keenay Qorshe cusub ay jaadka kusoo galin karaan Somaliya

Ganacsatada Jaadka ee dalka Kenya ayaa xiligan wajahaya xaalad dhaqaalo xumo oo ka dhalatay xayiraada dowlada federaalka Soomaaliya kusoo rogtay jaadkii laga keeni jiray dalkaasi.

Dowlada Soomaaliya ayaa joojisay in jaad la keeno gudaha Soomaaliya markii uu gudaha Soomaaliya soo gaaray cudurka Caronavirus, tan iyo waqtigaana dowlada wali ma fasaxin in jaadka la keeno gudaha Soomaaliya.

Dadaalo ay ganacsatada jaadka ku doonayeen in jaadka Soomaaliya ay keenaan la fasaxo ayaa fashil kusoo dhamaaday, kadib markii dowlada Soomaaliya ay shuruudo adag ku xirtay in jaadka la fasaxo.

Ganacsatada jaadka Kenya ayaa ugu baaqay dowladooda in ay raadiso xal ay jaadkooda ku geyn karaan Soomaaliya, waxa ayna ugu baaqeen in ay la hadlaan Dowlada Soomaaliya si jaadkooda suuq uga helo Soomaaliya.

Waxa ay sidoo kale ganacsatada jaadka soo jeediyeen qorshe cusub oo jaadka ku galin karaan qeybo kamid ah Soomaaliya, waxa ayna ka codsadeen dowlada in ay u furto xadka si jaadka dhulka uga galiyaan Soomaaliya.

Ganacsatada ayaa sheegay hadii dowlada u furto xuduuda ay awoodaan in si maalin la ah gudaha Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Jubbaland ugu gudbiyaan 20-tan oo jaad si culeeska dhaqaale uga yaraado.

Gudoomiyaha urur ay ku mideysan yihiin Ganacsatada Qaadka Kenya ayaa sheegay hadii loo loo tixgeliyo qorshahan cusub ay kasoo kaban lahaayeen dhibaatooyinka dhaqaale ee soo gaaray inta lagu guda jiro xaaladda la dagaalanka Covid-19 iyo madmadowga Siyaasadeed ee ka dhex jira Dowladah Soomaaliya iyo Kenya.

Dowlada Soomaaliya ayaa dhoor mar hawada ka celisay diyaarado jaad kasoo qaaday dalka Kenya, waxaana xayiraada dowlada saartay jaadka ganacsatada jaadka Kenya galisay xaalad dhaqaalo xumo oo aad u daran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaabiis laga soo qabtay Al-Shabaab oo ka baxsatay Guri lagu hayey

Caydiid Ali

Bulshada gobolka Banaadir oo abaalmariyay Maalgaliye Ganacsade Caanaboore (Sawirro)

Cabdi Cade

DF oo xabsiga dhigtay Ma’suul ka tirsan Shirkadda Favori

Caydiid Ali
Taboola Ads ---