Hogaamiyaha xisbiga Sahan Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa soo dhaweeyay heshiiska magaalada Dhuusomareeb ku saxiixeen Madaxweynaha Soomaaliya iyo qaar kamid ah Madaxda dowlada goboleedyada oo isku raacay nuuca doorasho ee la qaban karo.
Cabdikariin Guuleed ayaa sheegay in Heshiiska Dhuusomareeb lagu saxiixay a ku jiraan qodobbo badan oo u baahan dib-u-habeyn iyo tafaasiil dheeri ah, waxa uuna qodobadaasi ka xusay mida maamulka doorashooyinka iyo qaab xulista ergooyinka.
Halkan ka Akhriso Qoraal uu arintan uga hadlay Hogaamiyaha Sahan
Waxaan soo dhoweynaya qodobbada heshiiska Dhuusamareeb3 oo dalka u jiheynaya doorasho la jaan qaadi karta waqtiga dhiman iyo duruufaha jira. Heshiiska waxaa ka muuqata inuu bilaaw fiican u yahay qabsoomidda doorashada wadar-ogol ah, wuxuuna daboolaya walaacii ummadda Soomaaliyeed ka qabtay hubanti la’aantii xilliga kala guurka ah.
Â
Waxaan indhaha laga qabsan karin culeyska ay leedahay maqnaanshaha dowlad gobaleedyada Puntland iyo Jubbaland oo muhiim u ah wadajirka dalka iyo geeddi socodka doorashooyinka. Waxaana ku baaqayaa in la raadiyo oo lagu qanciyo hanaan suuro gelin kara dib eegis lagu sameeyo qodobada heshiiska si uu u noqdo mid loo dhan yahay oo taabo-gal ah.
Â
Heshiiskan waxaa ku jira qodobbo badan oo u baahan dib-u-habeyn iyo tafaasiil dheeri ah, sida maamulka doorashooyinka iyo qaab xulista ergooyinka. Waxaa kaloo ka maqan kaalintii Xisbiyada Siyaasadda oo ah iyagu kuwii ku tartami lahaa doorashada loo adeegsanayo heshiiskan. Haddaba maadaama ay muuqato in aan laga maarmi doonin in habraac faahfaahsan loo sameeyo heshiiska oo qodobbada qaar la turxaan bixiyo, waxaan soo jeedineynaa in tallada lagu biiriyo xisbiyada siyaasadda inta aan Baarlamaanka loo gudbin.
Â
Waxaan markale xoojinayaa muhiimadda ay leedahay in si dhaqso ah heshiiskan uu helo midnimo siyaasadeed, lana siiyo mudnaan gaar ah dadka aan looga maarmin hirgelinta doorasho la isla ogol yahay loona dhan yahay ,si uusan waqti kale uga khasaarin dalka iyo in laga fogaado in danno kale oo gaar ah loo adeegsado heshiiskan.
Â
Gabagabadii waxaan u mahadcelinayaa maamulka iyo shacabka reer Galmudug oo ayagu martigaliyey qeyb weyna ku lahaa qabsoomidda shirarkii Dhuusamareeb ee is xigxigay.