Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan oo Warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in dalkiisa baaritaano laga waday badda madow lagu guuleestay in laga helo gaaska dabiiciga ah.
Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Markabka Fatih oo howlgal baaris ah kawaday badda madow ku guuleestay in uu helo Gaaska Madow oo dalka Turkiga u suurto galinaya in uu yeesho wax soo saar.
Erdogan ayaa sheegay in shidaalka la helay uu caddaddiisu gaarayo 11.3 tirilliyan oo fuusto oo gaaska dabiiciga ah,waxa uuna xusay in gaaskan uu yahay kii ugu badnaa ee laga helo gudaha dalka Turkiga.
Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in la dhameys tiray dhammaan shaqadii baaritaanada ee gaaska, waxa uu intaasi ku daray in ay qeybtani tahay il dhaqaale oo weyn oo ku so koradhay Turkiga.
Waxa uu sheegay Madaxweynaha dalka Turkiga in soo saarista gaaskan ay qaadaneyso mudo sadex sano ah, inkastoo khubarada dhinaca soo saarista gaaska sheegeen in soo saaristan gaaskan Turkiga helay qaadan karto mudo 10-sano ah.
Shacabka dalka Turkiga ayaa aad ugu farxay in dalkooda laga helay gaas dabiici oo aad u badan, waxa ayna shacabka dalkaasi rajo wanagasan ka muujiyeen in araintan wax badan ka tari doonto dhaqaalaha dalka Turkiga.