Kabtanka Manchester United Harry Maguire ayaa la xiray isagoo fasax ku jooga jasiirada Mykonos ee dalka Gariiga ka dib markii isaga iyo asxaabtiisa ay feereen saraakiil boliis.
Ka dib markii kooxdiisa lagu semi-finalka Europa League isbuucii la soo dhaafay, xiddiga Ingariiska ayaa fasax u aadag jasiirada gariiga si uu ugu soo nasto ka hor bilowga xilli ciyaareedka cusub ee Premier League.
Laakiin wargeyska Gariiga ka soo baxa ee Proto Thema ayaa sheegay in kabtanka Man United la xiray ka dib dagaal uu ku galay baar lagu caweeyo banaankiisa xalay, iyadoo ay warbixin soo saareen boliiska maxaliga ah.
Petros Vassilakis oo ah afhayeenka boliiska ayaa u sheegay Reuters: “Markii dagaalka la joojiyay, kooxdii la socotay ciyaaryahanka iyo ciyaaryahan shaqsi ahaantiisa ayaa aflagaado ugu dhaqaaqay saraakiisha boliiska.
“Waxaa halkaas joogtay dhowr boliis. Mid ka mid ah seddexda xubnood ayaa feer la dhacay mid ka mid ah boliiska, taasoo dagaal kale bilowday.
“Dhamaan seddexdooda waa la xiray, markii la xirayay labo ka mid ah oo uu ciyaaryahanka ku jiro ayaa dagaal sii sameeyay. Waxay dhulka ku tuureen labo boliis iyagoo feer iyo laad la dhacay.
“Kuuma sheegi karo wixii ay nagu dhahayeen. Waxay boliiska iyo shaqadooda ku aflagaadeynayeen luqada Ingariiska. Dhamaan seddexdooda oo uu ku jiro ciyaaryahanka waxay ku jiraan xabsi ku yaala Mykonos.
“Waxay ka soo hor muuqan doonaan maxkamad maanta si loogu qaado dacwad ah qalalaasaha ay geysteen”
Manchester United ayaa sidoo kale warbixin ka soo saartay iyagoo xaqiijiyay inay xiriir la sameeyeen kabtankooda, waxayna xuseen inuu la shaqeynayo saraakiisha gacanta ku heysa kiiskiisa.
Xigasho Laacib.net
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com