Allbanaadir.com
NEWS

Iska horimaad culus oo ka dhacay degmada Mahadaay iyo faahfaahino ka soo baxaya

Iska horimaad culus ayaa maanta barqadii ka dhacay Suuqa xoolaha degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe kaasoo dhexmaray ciidamada dowlada iyo xoogaga Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in iska horimaadka uu yimid ka dib markii xoogag taabacsan Al-shabaab oo soo galay Suuqa ay dileen askari ilaalo ka ahaa canshuuro laga qaado dadka Suuqa ku ganacsada, iyagoo qorigii uu ku hubeysnaa ka qaatay.

Ciidamo gurmad ah oo suuqa gaaray markiiba ayaa la sheegay iney fooda is dareen xoogagii Al-shabaab ee askariga dilay oo weli aan ka bixin, waxaana halkaas ku dhexmaray iska horimaad culus oo khal khal iyo kala carar ku abuuray dadkii Suuqa ku sugnaa.

Lama sheegin illaa hadda khasaare nafeed oo ka dhashay iska horimaadka ka dhacay Suuqa degmada Mahadaay, iyadoo kooxihii ka tirsanaa Al-shabaab ee suuqa soo galay ay ka baxsadeen.

Xaalada Suuqa ayaa degenaan ku soo laabatay waxaana socda howlgalo xooggan oo ay halkaas ka wadaan ciidamada dowlada, mana jiro war ku saabsan dhacdadan oo ka soo baxay maamulka gobolka Sh/dhexe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Boqor Salmaan oo Madaxweyne Erdogan kala hadlay Kiiska Wariye Jamal Khashoggi

Cabdi Cade

Weerar Khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho iyo Faahfaahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Xaalad Qatar ah oo soo wajahday Ilhan Cumar iyo Madaxweyne Trump oo sabab u ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---