Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cabdiweli Gaas oo dhaliilay go’aanka uu Deni ku qaadacay Shirka Dhuusamareeb 3

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka hor yimid talaabadii uu Madaxweyne Deni ku qaadacay ka qeyb galka Shirka Dhuusamareeb-3.

Gaas ayaa sheegay in xiligan aan loo baahneyn khilaaf cusub in la abuuro, ayna qalad ah aheyd in Deni uu ka baaqdo shirkaas maadama arrimo masiiri ah looga hadlayey.

“Madasha Dhuusamareeb waa madal aan laga maqnaan karin, qofka dhibaato caafimaad ama dhibaato weyn qaba mooyee, laakiin in la qaadaco oo aan la tagin waxay ila tahay inuu yahay go’aan aan sax aheyn oo lagu fududaaday,” ayuu yiri Gaas.

Waxaa uuu intaas ku daray in talaabada uu Deni qaaday ay tahay mid aan ka turjumeyn danta Shacabka iyo Qaranka.

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhinaca kale sheegay inaan la aqbali karin mowqifka Villa Somalia ee la xiriira in la qabto doorasho qof iyo cod ah, hase ahaatee waxaa uu sheegay in arrintaas aysan noqon karin marmarsiiyo looga baaqdo ka qeyb galka shirka iyo in la wado hadlo iyadoo la kala aragti duwan yahay.

Puntland ayaa shuruudo adag ku xirtay ka qeyb galka shirka Dhuusamareeb-3 ee ka furmay magaalada Dhuusamareeb oo xalay soo gebageboobay iyadoo ay ka maqan yihiin labada maamul ee Puntland iyo Jubbaland oo inta badan isku jaal ah.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad ku dhaw 500-qof oo ku geeriyootay Muqdisho iyo Sababta geeridooda oo loo maleenayo in…

Cabdi Cade

Ciidamada Danab oo howlgalo culus kawada Degmada Wanlaweyn iyo hareeraheeda

Cabdi Cade

Maamul 3-Kun oo Dollar ku ganaaxaya dadka Al-Shabaab u doonta Garsoorka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---