Dab ayaa la soo sheegayaa inuu goor dhow oo barqadii ah ka kacay qeybo ka mid ah Suuqa loo yaqaano Suuq bacaad oo ka tirsan degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.
Sida wararku sheegayaan dabka ayaa saameeyey Suuqa Miijiska oo ka mid ah Suuq bacaad, waxaana jira khaasare ka dhashay dabkaas oo hor leh ku sii baahaya sida wararku sheegayaan.
Waxaa goobtaas gaaray gaadiidka dab demiska iyo shaqaalaha gurmadka deg deg ah ee gobolka Banaadir oo haatan la tacaalaya deminta dabkan.
Shacab fara badan ayaa sidoo kale gaaray suuqa kuwaasoo qaarkood ka qeyb qaadanaya sidii loo bakhtiin lahaa dabkaas oo baabi’iyey goobo badan oo ganacsi.
Lama oga weli sababta dhalisay dabkan balse waxaa sidoo kale goobta gaaray ciidamada amaanka iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada Yaaqshiid.
La soco wixii ku soo kordha.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com