Allbanaadir.com
NEWS

Weerar Mindi loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Paris (Daawo Sawirada)

Nin Mindi ama toorey ku hubeesnaa ayaa la sheegay in weerar dhimasho iyo dhaawac dhaliyay ka geestay bartamaha magaalada Paris ee Caasimada Dalka Faransiiska.

War kasoo baxay Booliiska Paris ayaa lagu sheegay in nin Mindi ku hubeesnaa uu dilay hal ruux sidoo kale dhaawacay afar qof oo kale, waxaana xaalad halis ah ku sugan labo kamid ah dadka la dhaawacay.

Ciidamada booliiska oo goobta weerarku ka dhacay si deg deg ah usoo gaaray ayaa toogtay ninkii Mindida ku hubeesnaa, Dacwad oogayaasha Faransiiska ayaana bilaabay baaritaano lagu sameenayo ninkan weerarka fuliyay oo la tuhmayo in Daacish xubin ka yahay.

Madaxweynaha dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkan ka dhacay Paris, waxa uuna sheegay in dalkiisu diyaar u yahay in uu iska difaaco waxa loogu yeero argagaxisada.

Dalka Faransiiska waxaa marar badan ka dhacay weeraro ay geesteen Ururka Daacish, waxaana weerarada ay Yurub ka  geestaan Kooxdaasi dalka ugu badan ay ka dhaceen uu noqday Faransiiska.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Dowladda Hoose ee Muqdisho oo bilaabeysa hirgelinta mashruuca kabashada dhismaha caasimada

Caydiid Ali

Shariif oo digniin u diray Madaxda shirka Golaha wadatashiga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---