Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Amniga Muqdisho oo la xoojiyey iyo baaritaano culus oo bilowday (Daawo Sawirro)

Howlgalo lagu xoojinayo amniga, laguna dardargelinayo howlaha sugidda xasiloonida Muqdisho ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, ayaa xalay ka bilowday magaalada, gaar ahaan wadooyinka halbowlaha u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Booliska ayaa baarayey gaadiidka jidadka maraya, waxaana meelaha laga dareemay howlgalkan baaritaanka ah ka mid ah isgoyska Km4 iyo meelo kale oo la arkayey gaadiid safaf ku jira oo mid mid loo hubinayo.

“Ujeedka howlgaladaan oo Ciidanka Boliisku sameynayaan ayaa ah, sidii loo adkeyn lahaa amniga iyo Xasiloonida Caasimada. Isla markaana looga hortagi lahaa fursado amni daro oo ay maleegaan argagixisadu iyo cid walba oo sababi karta fal amniga lid ku ah” ayuu sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska oo saxaafada la hadlayey.

Muwaadiniinta sharafta leh waxaan ka codsaneynaa ayuu yiri inay la shaqeeyaan Ciidanka Qaranka si loo helo iskaashi buuxa & Nabad waarta, isagoo xusay iney toos u wacaan SPF 991 haddii ay arkaan dad ama waxyaabo ay ka shakiyaan.

Howlgaladan ayaa ku soo beegmaya xili todobaadkan ay kordheen qaraxyada iyo weerarada ka dhacay magaalada Muqdisho oo kii khasaaraha badnaa lagu qaaday Hotelka Elite oo ku yaalla xeebta Liido.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweynaha Puntland oo kala diray golaha degaanka degmada Gaalkacyo (Akhriso)

Caydiid Ali

Heshiiski ku biirista Soomaaliya ee Ururka bariga Afrika EAC oo su’aalo laga keenay

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo amar cusub ku soo rogtay shirkaddo gaar ah (War-Saxaafadeed)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---