Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

James Swan: “Waa nasiib daro in Deni & Axmed Madoobe ay diideen Shirkii Dhuusamareeb”

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan ayaa khudbad u jeediyay Galabta kulan ay xaaladda Soomaaliya ka yeesheen Golaha Ammaanka.

Swan ayaa warbixinta uu siiyey Golaha Amniga kaga hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee Somalia, isagoo ku soo qaaday Wadahadalada Dhuusamareeb, Doorashooyinka qaranka, Guulaha ammaanka laga gaaray iyo Caqabadaha taagan, xaaladaha bini’aadanimo iyo saameynta COVID-19 ku yeeshay Soomaaliya.

“Waxaan ka xunnahay inay shirka muhiimka ah ee Dhuusamareeb ka maqan yihiin Madaxweynayaasha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo Jubbaland Axmed Islam Madoobe. Waa ahayd niyadjab inay diideen ka qeyb galka shirka, inkastoo codsiyo badan ay u direen hoggaamiyeyaasha Soomaalida iyo Beesha Caalamka” ayuu yiri James Swan.

Wuxu sheegay inay fahamsan yihiin jiritaanka aragtiyo aad u kala duwan oo u dhaxeeya hoggaamiyeyaasha Soomaalida, xiisadda siyaasadeedna ay kacsan tahay xilligan kala guurka ah, balse ay muhiim tahay in hoggaamiyeyaasha Soomaalida ka wadahadlaan sida ugu haboon ee xal loogu heli karo arrimaha taagan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Erdogan oo walaac ka muujiyay Dagaal laga cabsi qabo in uu qarxo

Cabdi Cade

Guddiga Qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha oo maanta la magacaabo iyo Farmaajo oo…

Cabdi Cade

Dibadbaxyo rabsahado wata oo ka socda magaalooyin kuyaalla Kenya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---