Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Markab ku soo jeeday dekeda Muqdisho oo laga afduubtay Badweynta India

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa Khamiista maanta ku warantay in kooxo burcad badeed Soomaali ah ay afduubteen markab sitay calanka dalka Panama.

Reuters ayaa sheegtay in warkaasi uu u xaqiijiyay masuul ka tirsan maamulka Puntland.

Markabka ayaa la sheegey inuu ka yimid dalka Imaaraadka Carabta kuna jeeday dekadda Muqdisho.

Kooxo burcad badeed ah oo illaa iyo lix gaaraya ayaa markabkaasi qafaashay habeenkii Arbacada, sida uu sheegey Muuse Saalax oo ah guddoomiya Gardafuu ee Puntland.

Ma cadda shaqaalaha ajaaniibta ah ee markabkaasi la socda, waana markabkii ugu horeeyey ee muddo sanad ah lagu afduubto xeebaha Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Lazarus Chakwera oo loo dhaariyey Madaxweyne ka dib muran doorasho

Caydiid Ali

Sii hayaha RW oo kormeeray Mid ka mid ah heyadaha muhiimka ah ee dowlada (Sawirro+Vedio)

Caydiid Ali

Mareykanka oo dib u dejin u sameynaya 125 kun oo Qaxooti ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---