Dowlada Sudan ayaa shaqada ka ceyrisay afhayeenkii Wasaaradda arrimaha dibadda dalkaasi, kadib markii warbixin aan lala ogey oo dood badan abuurtay la wadaagay warbaahinta .
Afhayeenka Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Sudan Haidar Badawi Sadiq ayaa Warbaahinta u sheegay in Dowladaha Sudan iyo Isra’il ay u socdaan wada hadalo ayna ku dhaw yihiin in ay gaaraan heshiis nabadeed.
“Ma jirto sabab ay u sii socotto cadaawadda ka dhexeysa Sudan iyo Israel, ma beenineyno in ay jiraan wadahadallo u socda labada dal,” ayuu u sheegay Afhayeenka Wasaarada arimaha dibadda Sudan Sky News Arabia.
Dowlada Sudan ayaana hadalka afhayeenka shaaciyay ka carootay waxa ayna durba ka ceyrisay shaqadii uu hayay, waxa ayna dowlada beenisay Warkan uu afhayeenka la wadaagay Warbaahinta iyada oon lala ogeyn.
Wasiirka arrimaha dibadda Suudaan, Omar Qamareddin, ayaa beeniyay warka kasoo yeeray afhayeenka Wasaaradiisa , waxa uuna sheegay in dowladdiisa aysan ka wada hadlin Isra’il arrintaas.
Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, ayaa soo dhaweeyay hadalka uu sheegay Afhayeenka shaqada laga ceyriyay, waxa uuna xusay in dowladiisa sameeneyso wax walbo si heshiis loo gaaro.
Warkan ayaana imaanaya xili dhawaan heshiis lagu tilmaamay mid taariikhi ah uu dhax maray dowladaha Imaaraadka Carabta iyo Isra’il, heshiiskaasi ayaana caro badan ka dhax abuuray qaar kamid ah wadamada Islaamka oon xiriir la laheyn maamulka Isra’il.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com