Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa lagu soo waramayaa in ay ogolaadeen ka qeyb galka Shirka ka socda magaalada Dhuusomareeb , kadib cadaadis uga yimid qaar kamid ah wakiilada Beesha caalamka ee jooga Soomaaliya.
Wakiilada Beesha Caalamka oo xiriiro kala duwan la sameeyay madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa ku cadaadiyay in ay tagaan magaalada Dhuusomareeb kana qeyb galaan shirka halkaasi ku leeyihiin Madaxda DF iyo kuwa maamul goboleedyada.
Sida aan wararka ku helnay Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ka codsaday Madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe in aragtidooda shirka kusoo bandhigaan balse aysan aqbali karin in shirka banaanka ka joogaan.
Madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaana u sheegay Wakiilada beesha caalama in ay tagayaan shirka magaalada Dhuusomareeb balse ay doonayaan cid damaanad qaada hirgalinta qadabada shirkaasi lagu heshiiyo sidoo kale la siiyo fursad ilaa sabtida ah ay wadatashiyo arintan ugala sameeyaan masuuliyiinta kale ee maamuladooda.
Beesha Caalamka oo sidoo kale xiriir la sameesay Madaxweyaha Soomaaliya iyo Madaxda kale ee ku sugan magaalada Dhuusomareeb ugu baaqday in shirka la joojiyo inta ay ka imaanayaan madaxda maqan ee Puntland iyo Jubbaland.
Wakiilada beesha caalamka ayaa qoraal dhawaan kasoo baxay ugu baaqay Madaxda Puntland iyo Jubbaland in ay ka qeyb galaan shirka Dhuusomareeb, waxa ay sidoo kale wakiilada sheegeen in aysan aqbali doonin hiraglinta rabitaanka koox gaar ah.
Beesha Caalamka ayaa si weyn uga soo horjeeda qorshaha Madaxweyne Farmaajo ku doonayo mudo kororsiga, waxa ayna Beesha Caalamka ku baaqday in la qabto doorashada waqtigeeda la iskuna raaco nuuc doorasho oo raali la isaga yahay.