Khubarada caafimaadka caalamka ayaa wada tijaabooyin badan oo lagu raadinayo daawooyin loo isticmaali karo caabuqa safmarka ah ee Caronavirus, kaa oo galaaftay nolosha boqolaal kun oo qof.
Dowlada Kenya ayaa soo saareysa qalab cusub oo khuburada caafimaadka ku xeel dheer u ogolaanaya in baaritaan ku sameeyaan dadka qaba cudurka Caronavirus lagu daweyn karo unugyada dhiiga cad oo laga soo qaaday bukaannada ka bogsaday Carona.
Khuburada caafimaadka ayaa sheegay in dadka ka bad baaday cudurka Caronavirus in ay leeyihiin unugyada dhiiga cad, waxaana dhiiga cad la sheegay in ay ku jiraan waxyaabo difaac wata oo loo adeegsado la dagaalanka caabuqa.
Wadamo badan oo caalamka kuyaala ayaa sameeyay tijaabada ah in dadka lagu daweyn karo dhiigga cad ee dadka bogsaday cufurkan kuwa wali qaba, waxaana wali wadamada qaar wadaan tijaabadan .
Cudurka Caronavirus ayaan wali si rasmi ah loogu helin daawo , waxaa sidoo kale wali khuburada caafimaadka ku xeel dheer wadaan raadinta talaal cudurkaasi halista ah kahor tagaya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com