Allbanaadir.com
NEWS

Shacabka magaalada Muqdisho oo cabsi iyo niyad jab lasoo daristay

Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ka dhacay falal amaanka lidi ku ah oo isugu jiray qaraxyo, weeraro toos ah iyo sidoo kale dilal qorsheesan oo kooxo hubeesan geesteen.

Amaanka magaalada Muqdisho oo bilihii lasoo dhaafay ahaa mid aad u wanaagsan ayaa mar qura soo xumaaday kadib markii la riday Xukuumadii Soomaaliya, waxa ayna taasi keentay in habac badan ku yimaado amaanka caasimada.

Masuuliyiinta Hay’adaha amaanka, saraakiisha iyo ciidamada ayaa la sheegay in aysan u gudan waajibaadkooda sidii hore, waxaana isbadalka durba caasimada ka abuuray falal amaan daro oo mar qura soo korortay.

Shacabka magaalada Muqdisho oo ka nastay qaraxyada iyo maqalka weerarada tooska ah ee magaalada ka dhaca ayaa hada ka cabsi qaba in ay sii kordhaan weerarada caasimada ,xili sugida amaanka looga mashquulay arimo siyaasadeed.

Qaar kamid ah shacabka magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan inta madaxda Dowlada isku hayaan mudo kororsi iyo doorasho in amaanka faraha ka baxo ayna dhacaan falal aysan jecleysan shacabka ku dhaqan caasimada.

Falalka amaan daro ayaa inta badan kordha marka dalka uu galo xaalad siyaasadeed , waxaana inta badan kooxaha dowlada kasoo horjeeda ka faa’iideestaan dal daloolka dhinaca amaanka ku yimaada marka dalka uu galo xaalada siyaasadeed iyo khilaaf.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta klu wajahan Dhuusomareeb iyo Qaban qaabo socota

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo codsi xasaasi ah u diray Baarlamanka Puntland

Caydiid Ali

Qaraxyo caawa ka dhacay Baydhabo iyo khasaare nafeed oo ka dhashay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---