Allbanaadir.com
NEWS

Ninkii ka dambeeyay Afgembiga dalka Mali oo Saxaafada kasoo muuqday

Hogaamiyaha ciidamada dalka Mali ee awooda dowlada la wareegay ayaa markii ugu horeysay saxaafada la hadlay, isagoo sheegay inuu yahay Guddoomiyaha Golaha Badbaadinta Shacabka Mali.

Col.Assimi Goita ayaa Arbacadii shalay la kulmay qaar kamid ah hawlwadeenada shibilka ah ee dowlada Mali, isagoo sheegay in hawlaha dowlada ay sii socon doonaan.

Militariga Inqilaabka xukunka uga tuuray Dowladii Madaxweyne Ibrahim Boubacar ayaa cambaareyn kala kulmay Beesha Caalamka, gaar ahaan Golaha Amaanka (UN), Midowga Yurub (EU) iyo Midowga Afrika (AU) kuwaasi oo dhamaantood ugu baaqay askarta inay xabsiga kasii daayaan Madaxweynaha xilka laga tuuray, Raysalwasaarihiisa iyo mas’uuliyiinta kale ee ciidamada qafaasheen.

Hase yeeshee isbaheysiga Mucaaridka dalka Mali ee loo yaqaan  M5-RFP oo bilihii lasoo dhaafay banaanbaxyada waday, ayaa taageero u muujiyey militariga xukunka la wareegay.

Col.Goita oo ah ninka la sheegay inuu ka danbeeyey inqilaabka ayaa ahaan jiray Taliyaha Ciidamada Komaandooska wadankaasi, mana ahayn nin si weyn loo yaqaan.

Tan iyo intii militariga xukunka la wareegay Madaxweyne Ibrahim Boubacara lagu khasbay inuu iscasilo oo kala diro Baarlamaanka, ayaa waxaa la isweydiinayey cida hogaamineysa ciidamadan.

Golahan Militariga ee xukunka la wareegay ayaa waxa hada horyaal caqabado waaweyn oo ay kamid yihiin sidii ay ugu qancin lahaayeen xukunkooda Beesha Caalamka iyo in ay soo bandhigaan qorshahooda ay xukunka dib ugu celinayaan shacabka oo weli ka cabanaya arrimo ay ka mid yihiin Musuq Maasuqa, Sicir Bararka iyo amni darada dalkaasi ka jirta oo ay ugu weyn yihiin weerarada ka imaanaya kooxaha Jihaadiga ah ee wadankaas ku sugan.

W/Q Khalid Yusuf

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Eritrea oo bilowday in ciidankeeda kala baxdo gobolka Tigrey kadib baaq loo diray

Cabdi Cade

Weerar ka dhacay degaanka Xamar-Jadiid ee degmada Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho !!

admin

Maxaa ka jira in guurka Gabadha Jareerweyne uu ka qarash badan yahay guurka kale?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---