Allbanaadir.com
NEWS

Anthony Mbele Munyasya oo baxsad ah & Booliska Kenya oo baadi goobaya (Daawo Sawirro)

Saraakiisha Booliska dalka Kenya ayaa soo bandhigay magaca iyo sawirka nin ay ku sheegeen inuu ka tirsan yahay ururka Al-Shabab kaasoo ay ku eedeeyeen inuu dab qabadsiiyay kaniisad ku taala dalkaasi.

Ninka ay booliska Kenya baadigoobayaan magaciisa waxay ku sheegeen Anthony Mbele Munyasya Al-Shabaab waxaa looga dhex yaqaan Ilyaas Cabdalla.

Warar dhinaca Sirdoonka ah oo booliska Kenya uu shaaciyay ayaa waxaa lagu sheegay in Ilyaas uu Al-Shabab ka tirsanaa tan iyo sanadkii 2014 waxaana uu ka mid ahaa koox weerartay magaalada Nairobi iyo magaalooyin kale oo dalkaasi ku yaala.

Waxyaabaha sida gaarka ah loogu eedaynayo ninkaan la raadinayo waxaa ka mid ah inuu mar gubay kaniisad ku taala degaanka  Kitui la yiraahdo oo ku yaala bariga magaalada Nairobi.

Booliska Kenya waxay aaminsanyihiin in Ilyaas Cabdalla oo ka baxsday xabsi uu ku xirnaa uu usoo baxsaday dhanka Soomaaliya waxaana ay sheegeen inuu yahay sargaal aad u tababaran oo ka baxsaday dhawr hawlgal oo la isku dayay in lagu qabto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

Related posts

Qalabkii Idaacada Al Shabaab oo la keenay Muqdisho iyo Wasiir Iidaan oo ka hadlay

Cabdi Cade

Kenya oo amar ku bixisay in 14-maalmood gudahood lagu xiro xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma

Cabdi Cade

Laftagareen oo Magacaabay Garsoor iyo xeer Ilaalin cusub (Magacyada)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---