Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Weerarkii ka dhacay Hotelka Elite awgeed shaqada uga joojiyay taliyihii Saldhigga degmada C/casiis, iyadoo loo xiray askartii ilaalada ka aheyd Baraha Kontrol.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xaqiijiyay in shaqadii laga joojiyay taliyihii saldhigga degmad C/casiis, isla markaana xabsiga loo taxaabay askartii ilaalinaysay baraha Kantrool sababo la xiriira weerarkii ka dhacay Elite Hotel.
Waxaa soconaya baaritaan ku aadan weerarkaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray shacab iyo dad mas’uuliyiin ah.
Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa la faray sidii loo xoojin lahaa sugidda ammaanka caasimadda.
Al-shabaab ayaa weerar qarax ku bilowday ka geysatay Liido 15-kii bishan kaasoo ay ku galeen hotelka Elite oo halkaas ku yaalla waxaana ku dhintay dad ka badan 20 qof halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com