Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Haramcad oo howlgalo kawada degmada Balad Xaawo (Daawo Sawirada)

Ciidamada booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad ayaa howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo kawada degmada Balad Xaawo ee gobolka Gedo oo dhawaan ka dhacay qarax dad badan ku dhinteen.

Wadooyinka degmada Balad Xaawo ayaa lagu arkayay ciidamadan oo afka u duuban oo wata hubka nuucyadiisa kala duwan, waxa ayna ciidamada baaritaano ku sameenayeen gaadiidka iyo dadka ay ka shakiyaan.

Saraakiisha ciidankan hogaamineysa ayaa sheegay howlgalka ay ka wadaan degmada Balad Xaawo in ay yihiin kuwa lagu xaqiijinayo amaanka degmadaasi loogana hortago in qaraxyo iyo falal amaan daro ka dhacaan.

Ciidamada Haramcad ayaa degmada Balad Xaawo loo geeyay in ay la dagaalamaan ciidamada maamulka Jubbaland uu hogaaminayay Wasiirka amniga maamulkaasi Cabdirashiid Janan oo ku sugan xadka Balad Xaawo la wadaago Mandheera.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiiro ku xirnaa magaalada Hargeysa oo la sii daayay

Cabdi Cade

Somalia & Turkiga oo ka Wadahadlay fulinta heshiiskii Ankara

Caydiid Ali

Xildh. Cali Saciid Fiqi oo difaacay qaabkii loo meel mariyey muddo kordhinta Laftagareen

Caydiid Ali
Taboola Ads ---