Waxaa goordhaw magaalada Baydhabo ee caasimada KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ka dhacay banaan bax balaaran oo looga soo horjeeday falal kufsi argagax leh oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay magaaladaasi.
Banaan baxa waxaa ka qeyb qaadanayay qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Baydhabo kuwaa oo si weyn uga careesnaa kufsi magaalada Baydhabo loogu geestay wiilal yar yar.
Dadka banaan baxa dhigayay ayaa ku qeylinayay ereyo adag ay uga soo horjeedeen falalkan foosha xun ee kusoo kordhay magaalada Baydhabo gaar ahaan kufsiga loo geesanayo Wiilasha.
Banaan baxan ayaa kusoo aadaya xili shalay magaalada Baydhabo lagu toogtay labo nin oo lagu eedeeyay in kufsi u geestay wiil dhalinayro, waxa ayna dhacdooyinka kusoo kordhay Baydhabo noqdeen kuwa dadka deegaanka walaac xoogan ku abuuray.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com