Allbanaadir.com
NEWS

Dowladii ku deeqday gantaalkii Riyaad lagu weeraray oo la ogaaday & cadeymo la soo bandhigay

Safiirka Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay Nikki Haley ayaa soo bandhigtay wax ay ku sheegtay inay yihiin haraaga gantaallo  dowladda Iiraan siisay mucaaradka Yaman.

Gantaaladan ayay sheegtay in Xuutiyiinta u isticmaaleen weerar ay ku qadeen dalka Sacuudiga gaar ahaan magaalada Riyadh dhowaan.

Mar ay ka hadlaysay haraadigii gantaaladaasi ay soo bandhigtay ayay sheegtay inay tahay mid muujinaysa sida Iiraan u hurinayso colaadda bariga dhexe.

Xuutiyiinta ayaa dalka Yamen kula dagaalamaya xulafada ay hogaamiyaan Sacuudiga ee taageeraya dowlada Yemen ee caalamku aqoonsan yahay.

Iiran ayaa beenisay eedeeynta loo soo jeediyay ee ah in ay horinayso colaadaha bariga dhexe iyo in ay Xuutiyiinta hub siisay.

Wasaarada arrimaha dibeda ee dowlada Iiraan ayaa sheegtay in Mareykanka ay doonayaan in ay qariyaan dambiyada dagaal ee ay Sacuudigu ka gaysteen Yemen.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xog laga helay Codsi Madaxweyne Xasan Sheekh u jeediyay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya

Cabdi Cade

Beesha Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay in afduub geesteen

Cabdi Cade

Mid ka mid ah dowladaha waaweyn ee caalamka oo magacii iska bedeshay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---