Allbanaadir.com
NEWS

Labo Nin oo Baydhabo ku kufsaday Wiil yar oo maanta la toogtay (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee caasimada KMG ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya lagu toogtay labo nin oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen kufsi argagax leh oo dhawaan ka dhacay magaaladaasi.

Ragan oo mid kamid ah la sheegay in uu ahaa askari katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa kufsi u geestay wiil dhalinyara ah oo Baydhabo kunoolaa, waxaana falkan kufsiga ah aad uga argagaxay dadka magaaladaasi.

Laamaha amaanka maamulka Koonfur Galbeed iyo Wasaarada cadaalada maamulkaasi ayaa go’aansaday in labadan nin oo qirtay falka kufsiga ah ee geesteen la toogto iyada oon wax maxkamad ah la horgeyn.

Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Koonfur Galbeed Maxamud Xuseen Xasan ayaa waxaa uu ku sheegay in Maamulka marnaba uusan ogolaan doonin in deegaanka laga sameeyo fal fool xun oo ka hor-imaanaya diinteenta iyo dhaqanka.

“Marnaba ma ogolaandoono cid kasta oo ku howlan inay wax u dhimaan diinteena, dhaqankeena, bulshadeena iyo amnigeena, cid kastoo ficil fool xun sameysa waxa ay wajahi doonaan talaabo ku haboon oo caddaalada ayaa la marsiin doonaa sida tan maan dhacdey oo kale” ayuu yiri Wasiirka Caddaalada Koonfur Galbeed.

Xukunkan dilka ah ee maanta lagu fuliyay ragan kufsiga u geestay wiil dhalinyaro ah ayaa kusoo aadaya xili magaalada Baydhabo kusoo bateen falal la xariira in kufsi loo geesto wiilasha taa oo cabsi badan ku abuurtay dadka ku dhaqan magaaladaasi.

Related posts

Shirkii uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo oo markii Saddexaad baaqday

Caydiid Ali

NISA oo shaacisay in uu is casilay madaxii Amniyaatka Al Shabaab ee Gobolka Banaadir

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo furay Shir ay soo qaban qaabisay Dowlada Federaalka (Sawirro)

Cabdi Cade