Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Shide oo ku guulaystay Wasiirka Maaliyadda Africa iyo Madaxweyne Deni oo ka hadlay

Majaladda Leadership Magazine oo sanadkiiba mar sameysa qiimeyn ayaa shaacisay ku guuleestayaasha sanadkan ee abaalmarinta Hogaaminta Ganacsiga Afrika 2020 , waxaana  ku guuleestayaasha abaalmarinta kamid noqday Wasiirka Maaliyada Itoobiya Axmed shìde.
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni  ayaa hambalyo ku aadan guushan u diray Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide oo sanadkan ku guulaystay Wasiirka Maaliyadda Africa.
 
Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale Dowladda Itoobiya ugu hambalyeeyey guushani ay gaareen, taasi oo muujinaysa horumarinta dhaqaalaha, hufnaanta iyo shaqo wanaagga ka jirta nidaamka Maaliyadeed ee dalkaasi.
Siciid Deni ayaa sheegay inay muhiim tahay in lagu tartamo horumarka Gobolka, waxna la kala barto oo laysku dhiirigeliyo waxkasta oo wanaagsan, waxa uuna Guusha Axmed Shido ku tilmaamay mid dadaal badan ku timid.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Sawirada: Waare oo Beledweyne Ku Qaabilayay Wafdi Ka Socday Midowga Africa

Cabdi Cade

Iibka hilibka xoolaha oo laga mamnuucay magaalada Kampala iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Tirada geerida Yuhuuda oo dhaaftay 600 iyo Warbixinadii u dambeeyey (Sawirro cusub)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---