Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Waare oo ka hadlay Dil loo geestay Wasiir katirsaaa maamulkiisa amarna bixiyay

Madaxweynaha dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare  oo ku hadlaya afka Golayaasha Dowladda iyo shacbiga Hirshabelle ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Wasiirkii Beeraha Iyo Waraabka Hirshabelle Marxuum Cabdulqaadir Abuukar Muxumed Karaani oo caawa kooxo Dhagar qabayaal ah ay ku Dileen  Magaalada Magaalada Jowhar Xili uu ka baxay Masaajid  uu ku dukaday Salaada Cishaha.
Madaxweynaha Ayaa cambaareeyay Dilka wasiirka, waxaana Tacsi uu u diray Shacbiga Hirshabelle, gaar ahaan Eheladii, Qaraabadii, asxaabtii, qoyskii, iyo Caruurtii uu ka baxay Marxuumka, samir iyo iimaana ka siiyo, waxaana uu alle uga baryay in uu ka waraabiyo Janatul Fardowsa.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo sii hadlay ayaa muujiyay sida uu uga naxay misna uga naxay Dilka Wasiirka, ayaa  amray hey’adaha amaanka in ay si deg Deg ah u soo  qabtaan Kooxihii Ka dambeeyay Dilka wasiirkii Beeraha iyo Waraabka Hirshabelle marxuum C.qaadir Abuukar Muxumed Karaani.
Marxuumka ayaa sidoo kale ahaa Mudane ka Tirsan Baarlamaanka Hirshabelle waxaana uu ka mid noqday dabayaaqadii 2016-ki oo xiligaa la aas aasay Baarlamaanka Dowladda Hirshabelle.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo Midowga Musharaxiinta oo…

Cabdi Cade

Puntland oo guddi baaris u saartay dhacdadii ay ku baxsadeen Maxaabiista Al-Shabaab

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen Wasiir Cawad iyo danjire David Concar (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---