Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Faafhaahin: Dilkii caawa Jowhar loogu geystay Wasiirka Beeraha Hirshabelle

Wasiirkii Beeraha ee dowlad goboleedka Hirshabelle Xildhibaan Cabdiqaadir Abuukar Karaani ayaa caawa lagu dilay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Cabdiqaadir Abuukar Karaani ayaa la diley xilli uu ka soo baxay masjid uu salaadii Cishaha ku soo tukaday oo ku yaalla xaafada Kulmis ee magaalada Jowhar sida ay dad goob joogayaal ah u sheegeen Warbaahinta

Dilka Wasiirka ayaa la sheegay inay geysteen kooxo bastoolado ku hubeysan oo goobta ka baxsaday ciidamada ammaanka ayaana goobta gaaray, iyagoo wada baaritaano kala duwan, lamana oga sababta wasiirka uu ilaalo la’aan u socday xili habeen ah.

Masuuliyiinta dowlad goboleedka Hirshabelle iyo kuwa maamulka gobolka Sh/dhexe ayaan  ka hadlin dilka wasiirka oo masuuliyadiisa ay sheegatay Al-shabaab oo dagaal adag kula jirta DF iyo ciidamada shisheeye ee taageeraya.

Dilkan ayaa ku soo beegmaya xili Al-shabaab ay xoojisay 24 saacadood ee la soo dhaafay weerarada ay ka geysato qeybo ka mid ah dalka, iyagoo fuliyey illaa afar weerar oo ka kala dhacay gobolada Banaadir, Baay iyo Gedo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baarlamanka Somalia oo maanta kulan xasaasi ah yeelanaya & ajendaha oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Ciidanka Xoogga oo mar kale looga digay in ay Siyaasadda ku milmaan Hanjabaadna loo diray

Cabdi Cade

Gantaalo lagu weeraray Israel & khasaare ka dhashay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---