Wasiirkii Beeraha ee dowlad goboleedka Hirshabelle Xildhibaan Cabdiqaadir Abuukar Karaani ayaa caawa lagu dilay magaalada Jowhar.
Cabdiqaadir Abuukar Karaani ayaa la diley xilli uu ka soo baxay masjid uu salaadii Cishaha ku soo tukaday oo ku yaalla xaafada Kulmis ee magaalada Jowhar.
Dilka wasiirka ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen kooxo bastoolado ku hubeysan oo goobta ka baxsaday ciidamada amaanka ayaana goobta gaaray, iyagoo wada baaritaano.
La soco wixii soo kordha
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com