Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa si ku meel gaar ah shaqada uga joojiyay Taliyaha Xabsiga dhexe ee Xamar G/lle Sare Aadan Xuseen Kulmiye.
Sababaha shaqo joojintan ayaa la xiriirta shaqaaqadii dhawaan ka dhacday xabsiga Dhexe ee Xamar oo ay weli socoto baaritaanno dheeraad ah oo lagu sameynayo.
Taliyaha ciidanka Asluubta ayaa si ku meel gaar ah u magacaabay Jeneraal Daahir Aadan Cabdulle inuu sii wado shaqada Xabsiga Dhexe.
Afhayeenka Ciidanka Asluubta Gaashaanle Sare Cabdiqani Maxamed Qalaf ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in wareegto ka soo baxday xafiiska Taliyaha ciidanka Asluubta shaqada si KMG looga joojiyay taliyihii xabsiga.
Maxaabiis ka tirsan Al-Shabaab ayaa dhowaan shaqaaqo hubeysan ka sameeyey dhexdiisa taasoo sababtay dhimashada maxaabiis iyo askar wadartoodu ka badan tahay 20 qof, waxaana socda baaritaan la xiriirta dhacdadan oo ay ku howlan yihiin guddo ay xukuumadu u magacowday.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com