Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sii hayaha RW oo amar culus siiyey laamaha amaanka ka dib weerarkii Hotel Elite

ii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa maanta kulan la qaatay laamaha amniga dalka.

Kulanka oo looga hadlay adkeynta amniga dalka, ayaa Mudane Mahdi Guuleed waxuu laamaha amniga uga dhageystay warbixin la xariirka weerarkii Argagaxiso ee shalay Muqdisho ka dhacay.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa laamaha amniga faray inay baaritaan saxan oo dhammeystiran ku sameeyaan dhacdadii shalay, waxuuna sidoo kale ku adkeeyay in ay laba jibaaraan dadaallada lagu xoojinayo amniga dalka si ummadda Soomaaliyeed ay u helaan amni la isku halleyn karo.

Dowladda Soomaaliya oo ku dadaaleysa in shacabka Soomaaliyeed ay helaan amni iyo xasilooni waarta ayaa laamaha amniga iyo guud ahaan ciidanka qaranka ku sameysay dib-u-habeyn ballaaran si ay awood ugu yeeshaan gudashada waajibaadka ka saaran ilaalinta mawaadiniinta iyo hantidooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud oo Muqdisho laga soo dejiyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo shixnad gargaar ah u dirtay Magaalada Laascaanod (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlad goboleed ka hor yimid canshuurta iibka ee DF soo rogtay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---