Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shiikh Shariif: “Masiirka ummadu uma afduubnaan karo ashkhaas kursiga inay sii joogaan raba”

Madasha Xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in Madaxda dowladda aanay qorshaha ugu jirin in dalka ay ka dhacdo doorasho marka uu dhamaado muddo xileedkooda gebagebada ah

Shariif Sheekh Axmed oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ka digay in dalka lugaha geliyo khalalaase siyaasadeed iyo dhibaato cusub.

Hoos ka akhriso qoraalka Shariif Sheekh Axmed oo dhameystiran.

Waxaan aaminsanahay in madaxda dowladdu aysan daacad ka ahayn heshiis laga gaaro xasaradda siyaasadeed ee u dhaxeysa iyaga iyo dowlad goboleedyada, sidoo kalena aysanba qorshaha ugu jirin qabashada doorasho heshiis lagu yahay.

Xaqiiqdii dalkaan waxaan ka keennay meel aad u adag, sidaa darteed marna ma oggolaan karno in aayaha iyo masiirka ummaddu u afduubnaado ashkhaas kursiga inay sii joogaan kaliya raba.

Waxaan ka digeynaa dhibaato noo muuqata oo madaxda wakhtiga uu kasii dhammaanayo ay ismoodsiinayaan, waxaana caddeyneynaa in aan marnaba laga aqbali doonin in maalin ay kursiga sharci darro kusii joogaan.

Sidoo kale waxaan uga digeynaa guddoonka Golaha Shacabka inay ka fiirsadaan tallaabooyinka aan dastuuriga ahayn ee ay ku dhaqmayaan, iyadoo ujeedku yahay in xil-kordhin ay u xalaaleeyaan madaxtooyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shir arrin Xasaasi ah looga hadlayay oo Turkiga ka furmay

Cabdi Cade

Ahlu Sunna oo Weerar ay khiyaano badan u adeegsatay ku leesay Ilaalada Saadaq Joon

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo amray in maalmo gudahooda laga baxo dhul kuyaala Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---