Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Maqaayad amar yaab leh soo rogtay oo laga furay Magaalada Changsha (Sawirro)

Maqaayad ku taalla dalka Shiinaha ayaa ku dhaqaaqday talaabbo yaab leh oo aan maqaayadaha dalkaasi looga baran taasoo ah inuu qofka ismiisaamo kaddibna dalabkiisa uu ku saleysnaanayo miisaankiisa.

Maqaayadda ay dadka cunta u doonto iney ismiisaamaan ku qasbeyso ayaa ku taalla bartamaha dalkaasi Shiinaha, iyadoo qofka cuntada uu dalbanayo ay ku xirnaaneyso hadba miisaankiisa inta uu noqdo, iyadoo dadka miisaankooda uu bato cunta yar oo keli ah laga iibinayo.

Maqaayadda oo ku taalla magaalada Changsha ayaa toddobaadkan labada albaab ee maqaayadda laga soo galo ku dhajisay farriin ay dadka maqaayaddaasi ku xiran ku wargelineyso intaynan maqaayadda gelin iney ismiisaamaan.

Maqaayadda waxay sida oo kale hirgelisay nidaam ama App marka uu qofka natiijada miisaankiisa uu geliyo uu moobaaylka u soo saarayo cuntada uu cuni karo ee isaga ku habboon.

Maqaayadda ayaa tallabadaasi qaadday kaddib marki dalka Shiinaha laga billaabay olole heer qaran oo ka dhan ah buurnida oo lagu yareynaya tirada dadka buurbuuran oo dalkaasi ku sii badanaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ku-simaha Madaxweynaha oo kulan la qaatay Golaha Malaaqyada Koonfur Galbeed (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidanka Gor Gor oo howlgal bur burin ah ka sameeyeen deegaan Al Shabaab joogeen

Cabdi Cade

Madaxweyne C/Casiis Butafliiqa oo ku dhawaaqay go’aan shacabka dalkiisa ku farxeen

admin
Taboola Ads ---