Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Rasaas weli ka socota Hotelka Elite & Xildhibaano ka mid noqday dad la soo badbaadiyey

Rasaas ayaa ka dhaceysa gudaha Hotelka Elite ee magaalada Muqdisho oo saacado ka hor ay gudaha u galeen dagaalyahano ka tirsan Alshabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada gaarka ah oo ka howlgalaya Hotelka ay dileen labo ka tirsan dableyda, iyadoo ugu laba kale ay weli ka dhex dagaalamayaan gudaha Hotelka.

Qasaaraha ka dhashay Weerarka Alshabaab ku qaaday Hotelka Elite ee xeebta Liido ayaa sii kordhay iyadoo meydad aan la aqoonsan ay yaallaan goobta qaraxu ka dhacay. Dhaawaca ayaa ka badan 40, iyadoo dhimashada ay sare u dhaaftay 10 qof

Waxaa laga soo badbaadiyey gudaha Hotelka dad isugu jira mas’uuliyiin iyo shacab halkaas ku go’doonsanaa illaa galabta, waxaana ka mid ah dadkaas milkiilaha hotelka C/llaahi Maxamed Nuur oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka iyo masuuliyiin kale.

“Dhammaan ALLAHA a u naxariisto intii ku dhimatay weerarkii galabta argagaxisadu ku soo qaaday shacab Soomaaliyeed gaar ahaan Hotel Elite oo aan xilligaas ku sugnaa inta dhaawaca ahna ALLAHA bogsiiyo, waana caafimaad qabaa dhamaan ehel iyo asxaab” ayuu yiri Milkiilaha hotelka Elite C/llaahi Maxamed Nuur ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook.

Weerarkan oo bilowday wax yar ka hor salaadii maqrib ee caawa xiliga Muqdisho ayaa socda ku afar saacadood ah oo xiriir ah, waxaana la sheegay in dableyda gudaha ku jirta ay dileen shaqaale iyo dad kale oo ku sugnaa gudaha Hotelka, iyadoo ciidamada amaanka ay weli la hardamayaan sidii loo soo afjari lahaa weerarkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

SSC oo dagaalka ku qabsatay goob istaraatiiji ah & ciidanka Somaliland oo..

Caydiid Ali

Al Shabaab oo soo bandhigtay ciidamo hubeesan oo isku soo dhiibay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Galmudug oo War kasoo saartay howlgal Al Shabaab looga qabsaday deegaan Muhiim ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---