Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kolonyo uu la socday Wasiir Goodax oo lagu qarxiyey meel ku dhow B/Xaawo (Sawirro)

Kolonyo ay la socdeen Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa qarax lala beegsaday, xilli ay marayeen degaanka Uunsi oo u dhexeeya Degmooyinka Baladxaawo iyo Doolow ee gobolka Gedo.

Wasiirka ayaa la sheegay inuu ka badbaaday qaraxaas.

Qaraxa oo ahaa mid jidka lagu aasay ayaa burburiyay mid ka mid ah gaadiidka wefdiga Wasiirka, waxaana xubno ka tirsan wafdiga ay sheegeen inuusan jirin khasaare ka dhashay qaraxan marka laga reebo dhaawacyo fudud oo gaaray ilaalada iyo xubno ka tirsan wafdiga.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Somalia oo la socday wasiirka ay ku dhaawacmeen qaraxaas kuwaasoo lagu kala magacaabo magacaabo Maxuud Cali magan iyo Cabdicasiis Dhaga-qool.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa saaka gaaray magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo halkaasoo uu ka dhagax dhigay iskuul cusub oo halkaas laga dhisayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo Guddoomiyey shir muhiim ah oo ka dhacay Villa Somalia

Caydiid Ali

Dowladda Hoose ee Muqdisho oo bilaabeysa hirgelinta mashruuca kabashada dhismaha caasimada

Caydiid Ali

Dil saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Ninkii geestay oo gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---