Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaan Danab ayaa howlgal ay ka fuliyeen guri kuyaala degmada Kuntuwaarey ee gobolka Shabeelaha Hoose kusoo qabtay waxyaabaha qarxa .
Taliyaha Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik oo hogaaminaya Howlgalka Ciidamada Danab kula wareegeen degmada Kuntuwaarey ayaa sheegay in fashiliyeen qaraxyo Al Shabaab diyaarinayeen.
Waxa uu sheegay taliyaha in guri kuyaala Kuntuwaarey lagu soo qabtay waxyaabaha qarxa oo kala duwan kuwaa oo isugu jiray miinooyin, qaraxyada gaadiidka lagu xiro iyo sidoo kale waxyaabaha loo adeegsado qaraxyada ismiidaaminta ah.
Taliyaha Danab ayaa sidoo kale sheegay in gacanta lagu soo dhigay xubno katirsan kooxda Al Shabaab, waxa uuna cadeeyay in ay sii xoojin doonaan howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab meel kasta ay joogaan.
Ciidamada Kumaandooska ayaa wado howlgalo balaaran oo ay isugu fidinayaan Shabeelaha Hoose oo Al Shabaab awood badan ku laheyd, waxa ayna ciidamada la wareegeen deegaano iyo Degmooyin gacanta Al Shabaab horey ugu jiray.