Allbanaadir.com
NEWS

 Beero la sheegay in Al Shabaab ku beerteen Xashiish oo la gubay !!(Daawo Sawirada)

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa howlgalo ay ka sameeyeen degmada Kuntuwaarey iyo deegaano hoos yimaada ku gubay beero la sheegay in Al Shabaab ku beerteen waxyaabaha maanka dooriya gaar ahaan xashiishka .

Taliyaha Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab Gaashaanle  Ismaaciil Cabdi maalik Maalin ayaa sheegay in Ciidamada Danab gubeen beero Al Shabaab ugu beernaa Maandooriyaha Xashiishka oo kuyaalay Kuntuwaarey iyo deegaano hoostaga.

Waxa uu sheegay taliyaha in layaab ku noqotay in beero kuyaala degmada Kuntuwaarey kooxda Al Shabaab si gaar ah ugu beerteen Xashiish uu sheegay in ay siin jireen caruurta ay dagaal galiyaan .

Taliyaha ayaa xusay in ciidamada Danab ka wadaan degmada Kuntuwaarey howlgalo balaaran oo amaanka lagu xaqiijinayo sidoo kale lagu baadi goobayo xubno katirsan Al shabaab oo dhuumaaleysi ku jira.

Ciidamada Danab ayaa jimcihii howlgal qorsheesan kula wareegay degmada Kuntuwaarey ee gobolka Shabeelaha Hoose, degmadan ayaana Al Shabaab u aheyd xarunta ugu weyn ee gobolkaasi ka joogaan.

Related posts

Bulshada Soomaaliyeed oo si weyn usoo dhaweeyay Musharax Madaxweyne Ablaal (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Cirro oo booqday dhaawacyadii Dacawalay (Sawirro)

Caydiid Ali

Xildhibaan ka xumaaday Maxaabiistii Shabaabka aheyd ee xabsiga ka baxsaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---