Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Jabuuti ayaa goordhoweyto kasoo ambabaxay dalkaasi.
Siciid Deni iyo wafdiga la socday waxaa dalka Jabuuti kasoo sagootiyay masuuliyiin katirsan dowlada Jabuuti, waxa ayna kusoo wajahan yihiin Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa magaalada Garawe.
Madaxweynaha Puntland ayaana laga sugayaa shirka la filayo in uu ka furmo magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug, waxaana suurto gal ah galinka dambe ee maanta ama beri in uu u ambo baxo magaalada Dhuusomareeb.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo sadex kamid ah madaxda Dowlad goboleedyada ayaa hada ku sugan magaalada Dhuusomareeb, waxaana magaaladaasi laga sugayaa Madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland.