Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo ku hor ceeboobay Golaha amaanka iyo Madaxweyne Ruuxaani oo ku jees jeesay

Dowlada Mareykanka ayaa golaha amaanka ee Qaramada Midoobay u gudbisay Qaraar ay ku dalbaneysay in lasii dheereeyo mudada cunaqabateynta hubka ee saaran dowlada Iiraan, hasa ahaatee Mareykanka ayaana guul daro weyn kala kulmay soo jeedintiisa.

Golaha amaanka oo cod u qaaday dalabka dowlada Mareykanka ayaa fashil kusoo dhamaaday kadib markii dheereynta cunaqabateynta Iran kaliya taageereen Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Dominica .

Dowladaha Ruushka iyo Shiinaha ayaa kasoo horjeestay in lasii dheereeyo cunaqabateynta hubka ee saaran Iiraan, waxaana sidoo kale ka aamusay soo jeedinta Mareykanka 11-dal ay ku jiraan Wadamada Jarmalka ,Ingiriiska iyo Faransiiska.

Cunaqabateynta hubka ee saaran Iiraan ayaa ku eg bisha October sida ku xusan heshiis ay gaareen sanadkii 2015-kii Dowlada Iiraan iyo Quwadaha waa weyn caalamka ay ugu horeeyaan Reer Galbeedka.

Madaxweynaha Iran, Xasan Ruuxaani, ayaa sheegay in Mareykanka jab kala kulmay soo jeedintiisa Iiraan ka dhan aheyd, waxa uuna sheegay in Mareykanka uu ku hor ceeboobay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay.

“Ma xasuusto mar qudha oo Maraykanku soo jeedin qaraar oo uu ku dibindaabyeynayo Jamhuuriyadda Islaamiga ah soo hor dhigay golaha oo cod keliya oo taageeray uu halay, guushani waa tii ugu weynayd ee lagu fashiliyey dhagarta Maraykanka waan guul darro dhabar jab ah oo ku dhacday”. ayuu yiri Madaxweyne Ruuxaani.

Dowlada Mareykanka ayaana si weyn uga carootay fashilinta Qaraarkooda, Wasiirka arimaha dibadda Mareykanka ayaana sheegay in dambi aan cafis laheyn yahay in golaha amaanka ka baaqsado go’aan ay ku difaacayaan nabad galyada dunidda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somalia oo ka qeyb galaysa shirka ISDB-2023 oo ka furmay Jeddah (Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax lagu dilay Injineero oo ka dhacay dalka Kenya iyo Faahfaahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Codeynta wareega labaad oo dhamaatay iyo tirinta codadka oo bilaabatay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---