Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mahdi Guuleed oo furay Musawac laga hago Maraakiibta ku xiranaya Dekadda Muqdisho

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa xariga ka jaray Masawac laga hir geliyay magaalada Muqdisho oo loogu tala galay in maraakiibtu ay si fudud ugu soo hirtaan dekadda Muqdisho.

Musawaca oo iftiinkiisa xilliyada habeenkii ay meel fog ka arki karaan howl-wadeennada maraakiibta ayaa sahlaya inay gartaan masaafada dekaddu u jirto iyo inay si fudud ugu soo hirtaan.

Sii hayaha xilka Wasiirka Koowaad ee dalka ayaa caddeeyay in dib u furitaanka Musawaca oo 100 sano jirsaday ay qayb ka tahay horumarinta dekadaha gaar ahaan dekadda Muqdisho oo kamid ah ilaha dhaqaale ee dalka.

Xukuumadda ayaa dadaal xooggan gelisay dib-u-dhiska dalka, waxaana horay sidaan oo kale dib loogu soo celiyay edeegyo muhiim u ahaa dowladnimada iyo dib-u-kabashada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka Israel oo sheegay iney heleen meydka qof ka mid ahayd dadkii la heystay

Caydiid Ali

Maxaa Sababay in Maanta Awoodaha Caalamka ay Diiradda saaraan Soomaaliya?

Cabdi Cade

Gaari Ambulance ah oo lagu qarxiyey dalka Kenya iyo dad Soomaali ah oo ku dhintay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---