Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Gaas oo magacaabay Wasiiro cusub oo maamulkiisa kamid noqonaya

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland  Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto kasoo baxday xafiiskiisa waxa uu ku magacaabay Labo Wasiir oo kamid noqonaya maamulkiisa.

Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa lagu magacaabay wasiirka wasaaradda beeraha iyo waraabka iyo wasiir ku xigeenka wasaaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland.

Halkan ka Akhriso Digreetada kasoo baxday Madaxweyne Gaas

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 12 May 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegtu lagu magacaabay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Kalyumaysiga Iyo Khayraadka Badda.

Xeer Madaxweyne Lr.47 May 12, 2018, kuna saabsan magacaabid Wasiir Iyo Wasiir Kuxigeen.
Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka  Puntland, Markuu arkay Aqoontooda, kartidooda iyo Waayo-Aragnimadooda Shaqo,Markuu La tashaday: Madaxweyne K uxigeenka  Puntland.

1. Waxaa Daahir Xaaji Khaliif Loo Magacaabay Wasiirka Wasaaaradda Beeraha Iyo Waraabka.

2. Waxaa Cabdiraxmaan Salaad Maxamuud Loo Magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda
Kaluumaysiga Iyo Khayraadka Badda.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhimashada Xayawaan Caan ahaa oo caro badan abuuray iyo Warbaahinta oo hadal heysa

Cabdi Cade

Ansixinta Xubno kamid ah golaha adeega Garsoorka dalka oo laga hor yimid

Cabdi Cade

Guddiga Doorashada oo Shaaciyay in la bilaabayo Doorashada Aqalka Hoose Baaqna diray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---