Allbanaadir.com
NEWS

Mid kamid ah Madaxda Maamul goboleedyada oo goordhaw gaaray Dhuusomareeb (Sawirro)

Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusomareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug gaaray Madaxweynaha  Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen)

Garoonka diyaaradaha Dhuusomareeb waxaa kusoo dhaweeyay wafdigan Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor Qoor iyo masuuliyiin kale oo katirsan maamulka Galmudug.

Madaxweyne Laftagareen iyo wafdiga la socda ayaa magaalada Dhuusomareeb u tagay ka qeyb galka Wajiga sadexaad ee Shirka u dhaxeeya dowlada Federaalka iyo dowlad goboleedyada hpostaga dowlada.

Magaalada Dhuusomareeb ayaa sidoo kale la filayaa in saacadahasoo aadan ilaa beri in ay  gaaraan Madaxda Maamul goboleedyada qaarkood iyo Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya .

Related posts

Madaxweynaha Somaliland oo si aan cadi aheyn loogu soo dhaweeyay Jabuuti (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowladda oo amartay in la joojiyo dhismooyin ka socda dhulal kuyaalla Muqdisho (Akhriso)

Cabdi Cade

Xassan Sheekh oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjire Jumca Al-Rumeysi (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---