Waxaa saakay magaalada Garawe ee caasimada dowlad goboleedka Puntland ku geeriyooday Wasiiru Dowlihii Madaxtooyada Puntland Marxuum Maxamed Xasan Ciise.
Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan maamulka ayaa ka tacsiyeeyey Geeriga Alle ha u naxariistee Wasiiru Dowlihii Madaxtooyada Puntland Marxuum Maxamed Xasan Ciise .
Axmed Karaash Alle “SWC” uga baryey marxuumka inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, kuna abaal-mariyo Jannatul Fardawsa, samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Puntland iyo ehelkiisiiba.
Geerida Wasiirka ayaana wali la ogeyn waxa sababay, waxaana la filayaa in aas weyn magaalada Garawe loogu sameeyo Wasiiru Dowlihii Madaxtooyada Puntland Marxuum Maxamed Xasan Ciise.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com