Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo gacanta ku dhigay Maraakiib dalka Iran laga leeyahay (Daawo Sawirro)

Dowlada Mareykanka ayaa la wareegtay afar markab oo waday shidaal badan kuwaa oo kusii jeeday dalka Venezuela, Mareykanka ayaana sheegay in Maraakiibtan ay leedahay dowlada Iran.

Wasaaardda caddaaladda dalka Mareykanka ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in gacanta ku dhigeen afar Markab oo siday ku dhawaad 1.1 milyan oo fuusto kuna sii jeeday dalka Venezuela.

Dowlada Mareykanka ayaa ku eedeesay Maraakiibtan Iran leedahay in ay jabiyeen cunaqabateyntii Mareykanka kusoo rogay dalkaasi, waxa ayna Mareykanka sheegeen in talaabadan loo maray wado sax ah.

Danjiraha iraan u fadhiya Venezuela Hojat Soltani ayaa sheegay in aysan jirin Maraakiib Iran leedahay oo gacanta u galay dowlada Mareykanka, waxa uuna warkan ku tilmaamay mid been abuur ah.

Qoraal kasoo baxay Wasaarada Cadaalada dowlada Mareykanka ayaa lagu sheegay in ay ku guuleysteen in gacanta ku dhigaan shidaal malaayiin doolar  jooga  oo ay leeyihiin ilaalada kacaanka Iiran.

Wasaarada cadaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in markii gacanta lagu dhigayay Maraakibtaasi ay ciidamada badda iiraan ay ku guuldareysteen isku deygoodii ahaa in ay Maraakiibtaasi soo koraan.

Sargaal sare oo Mareykan ah oo la hadlay Wakaalada AP ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka markii ay qabanayeen Maraakiibtaasi aysan awood adeegsan balse shirkadaha Maraakiibtaasi is kalahaa loogu hanjabay cunaqabateyn.

Xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa Dowladaha Mareykanka iyo Iran ayaa sii xoogeestay tan iyo markii maamulka Madaxweyne Trump markii ay ka baxeen heshiiskii dhinaca Nukliyeerka ee u dhaxeeyay Iran iyo Wadamada Reer Glabeedka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Caruur & dad kale oo lagu dilay toogasho ka dhacday Maraykanka

Caydiid Ali

RW hore oo noqday darawal kaxeeya gaadiidka xamuulka ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Sidee Al-Shabaab ugu suuragashay gelitaanka xarunta Otto otto ee aadka loo ilaaliyo? (Akhriso xeelad yaab leh )

Caydiid Ali
Taboola Ads ---