Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Qaabkii Danab ula wareegeen Kuntuwaarey iyo Saraakiil la dilay (Magacyada)

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa maanta howlgal qorsheesan kula wareegay degmada Kuntuwaarey ee gobolka Shabeelaha Hoose , waxaana degmadaan horey u maamuli jiray dagaalyahanada Al Shabaab.

Dagaal kooban oo dhacay  ayaa ciidamada Kumaandooska Danab kula wareegeen degmada Kuntuwaarey oo la sheegay in aheyd taliska ugu weyn ee Al Shabaab ku lahaayeen gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliyaha Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab Gaashaanle  Ismaaciil Cabdi maalik Maalin oo howlgalka hogaaminayay ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay Kuntuwaarey lagu dilay saraakiil sar sare oo katirsanaa Al Shabaab.

Waxa uu sidoo kale sheegay taliyaha in ciidamada kumaandooska Danab xabsi weyn oo kuyaala degmada Kuntuwaarey kasii daayeen maxaabiis Al Shabaab u xirneed sidoo kale soo furteen caruur Al Shabaab u diyaarinayeen in dagaal galiyaan isna qarxiyaan.

Taliska Danab ayaa magacayda Saraakiisha Al Shabaab laga dilay maanta ku sheegay:

1- Madaxa Jugta Culus ee Gobalka Sh.Hoose Maxamuud Axmed Gaboobe Raage (Daariq)

2- Madaxa Maaliyadda Kuntuwaareey Qaalid Cumar Sariix.

3- Madaxa Maxkamadda Kuntuwaareey iyo degaanada hoos yimaada Muxsin Shiikh Cali.

4- Madaxa Jabhadda ka howlgasha Kuntuwaareey (Saalaxudiin)

Taliyaha Guutada 16aad ee Kumaandooska Danab Gle Ismaaciil Cabdi maalik Maalin ayaa sheegay in ay sii socon doonaan howlgalada Al Shabaab uga saarayaan gobolada dalka gaar ahaan gobolka Shabeelaha Hoose oo hada howlgalo balaaran ka socdaan.

Related posts

(Sawirro) Itoobiya oo wafdi u soo dirtay Muqdisho & Xog ku aadan ujeedka safarkooda

Caydiid Ali

Caro xooggan oo ka dhalatay talaabada dowlada Somalia ku xirtay Jen. Sheegow

Caydiid Ali

Ciidamada DF oo soo afjaray weerarkii ka socday dhisme ku yaalla Mirinaayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---